Kaalay oo nala wadaag sheekooyinkaaga adigoo adeegsanaya waxqabadyo kala duwan oo faneed iyo sheeko-wadaag ah.

Dhacdo kasta waxay sahamin doontaa awoodda isku-xirnaanta, iyadoo loo marayo mawduucyada:

DHAQDHAQAAQA

WAQTIGA

ISKU-IMAANSHAHA

DABEECADDA

FAAHFAAHINTU DHAWAAN AYAY IMAANAYSAA

Qof kastaa waxa uu leeyahay sheeko, sheeko kastana muhiimad ayay leedahay.

Nagu caawi dhisidda maktabadda sheekooyinka bulshada.

Isku-xirnaantu waxay udub-dhexaad u tahay bulshooyinka xooggan.

Markii I-5 la dhisay, xaafado badan oo Seattle ah ayaa la qaybiyay bulshooyinkiina waa la barakiciyay. Saameeyntaas ayaa weli lagu dareemayaa maanta buuqa jira, wasakhowga iyo caqabadaha jireed. Waxaan abuuri karnaa mustaqbal ka duwan.

Seattle Office of Planning and Community Development waxay horkacaysaa mashruuc ay bulshadu hagayso si loo sawirto mustaqbal ay bulshooyinku dib isugu xirmaan meel kastoo I-5 ay joogaan. Si aad wax badan uga ogaato mashruucan, booqo bog-khadka OPCD.

Maktabadda Sheekooyinka

Waxaan ururinaynaa sheekooyin hadda ilaa Janaayo 2027. Sheekooyinka waxaa si joogto ah loogu dari doonaa marka la helo soo gudbinta.